Wax ka baro Norway
"Aqoon la’aani waa iftiin la’aan” waa halkudhig xanbaarsan macno weyn oo sheegaya
qiimaha ay aqoontu u leedahay nolosha aademiga.
Hadaba halkan waxaan ugu soo gudbinaynaa dadka Somaliyeed ee jecel inay wax ka bartaan
Norway, akhbaar kooban oo ku saabsan waxbarashada dalkan. Qofkaan reer Norway aheyn waxaa
laga yaabaa inuu fahmi waayo kelmado badan oo aan qoraalkan u isticmaali doono.
In laguu aqoonsado shahaado aad dibada kala timid?
Hadii aad heysato shahaado, oo aad doonayso in laguu aqoonsado waxbarasho jaamacadeed ama machad sare oo aad Norway dibadeeda kala timid,
waxay qaadanay kartaa wakhti dheer. Sidaa darteed waa inaad wakhti hore codsataa in laguu ictiraafo
shahaadaada kuna tala gashaa inaad wakhti sugeydsid.
Xafiisyo badan ayaa aqoonsada shahaadooyinka dibada lagala yimaado, kuwo ka mida
ayaan hoos ku xusaynaa iyo labo qaab oo shahaadooyinka loo aqoonsado.
Faglig godkjenning
Hadii aad doonayso in laguu ictiraafo shahaadadaada qaab ah "faglig godkjenning"
waxaad u baahan tahay inaad la xiriirto høgskole ama jaamacad bixisa maadooyinka aad
horay usoo baratay oo kale. Taas macnaheeda waxaa weeye inaad baarto jaamcadaha/høgskole-da kuwa
baxsha maadoyinka aad shahaadadooda wadato oo kale. Dadka shaqadaas qabanaya
waxay kaa doonayaan faahfaahin ku saabsan koorsooyinka aad soo dhigatay,
manhajka aad wax kusoo dhigatay (pensum) iyo shahaado.
Generell godkjenning
Hadaad doonayso aqoonsi guud inaad u hesho waxbarashaadaadi ama shahaadadaadi hore, waxaad la xiriiri kartaa
NOKUT (Nasjonalt organ for kvalitet i utdanningen). Xattaa hadii waxbarashadii hore aadan
soo dhamaystirin oo ay dhex kaaga kala go'day, waad la xiriiri kartaa NOKUT. Arji gaara ayay
leeyihiin, faahfaahin dheerada waxaad ka heli kartaa boggooda hoos ku qoran.
Hadii NOKUT ay shahaadada kuu aqoonsadaan waxbarasho ama shaqo sare
ayaad ku dalban kartaa. Hadaad doonayso inaad u tagto cinwaankooda waa sidan:
Adresse:
NOKUT
Kronprinsens gate 9
Postboks 1708 Vika
0121 OSLO
Tel: 21 02 18 60 (man-tors kl 12-15)
Web: www.nokut.no
Epost: postmottak@nokut.no
Aqoonsi shahaado dugsi sare ee dibada ka timid
Sidoo kale shahaado dugsi sare waa laguu aqoonsan karaa hadaad waraaqo cadaynaya la timaado.
Bogga NOKUT ayaad faahfaahin dheeraada kasii heli kartaa. Sidoo kale Samordne opptak
way kuu qiimeyn karaan shahaadadaada dugsiga sare, oo maadoyinka kaa dhiman ama lagaa dhaafi karo ayay kuu sheegi
karaan. La xiriir Samordna opptak www.so.uio.no
Hadii aan shahaado ama wax cadeyn ah wadan, cilmi badana aan leeyahay maxaan yeelaa?
Su,aal wanaagsan weeye, laakin cilmigaagu ma yahay mid aad si wanaagsan u xasuusato
mise qaxii ayaad ku hilmaamtay?
Hadii aad hilmaamtay cilmigaagi, bal marka hore soo cesho aqoontaadi.
Laakin hadii aad si fiican u xasuusta aqoontaadi hore
wax shahaado ahna aadan heysan, hadaba waxaad heysataa fursad laguugu ictiraafi karo aqoontaada.
Aqoontaas waxaay noqon kartaa mid dugsi hoose/dhex ama mid dugsi sare. Arintaan oo faahfaahsan waxaan
kaga hadlay qeybta la yiraahdo realkompetansevurdering ee guji
halkaan.
Hadaad doonayso Dugsi hoose/dhexe (grunnskole)
Dadka waa weyn ee jecel inay dhigtaan grunnskole, waxay ku qaadan karaan 1,2 ama 3 sano, marba sidaad u dadaasho.
Hadaad doonto maalintii ayaad dhigan kartaa ama habeenkii marba sida ku haboon duruuftaada.
Grunnskole waxaad ka helaysaa shahaadadii aad ku gali laheyd dugsiga sare (videregående skole).
Maadooyinkiisuna waa 5-maado oo kala ah:
Norsk
Engelsk
Matematikk
Naturfag
Samfunnsfag
Hadii aad maadooyinkaan shanta ah horay usoo baratay ama qaar ka mida garanayso oo aadan heysan cadeyn
uma baahnid inaad qaadato mar labaad. Balse waxaad la xiriiri kartaa qoloda qaabilsan realkompetansevurdering.
Kuwaas oo aad u muujinayso aqoonta aad u leedahay maadooyinkaas.Hadaad doonayso faahfaahin dheeraada
ee ku saabsan realkompetansevurdering guji
halkaan
Grunnskole-da Oslo waxaad ka heli kartaa labadaan meelood:
Smedstua voksenopplæringssenter
iskuulkaan habeen iyo maalinba waa heli kartaa, la xiriir iskuulka. Arjiga codsiga ah
iyagaa kuu soo diraya. Dadka soo codsada waxaa loogu yeerayaa imtixaan iyo waraysi.
Xilliga ugu danbeeya (frist) arji qabashada waa 1. april
Adresse:
Smedstua voksenopplæringssenter
Smiuvegen 225, 0982 Oslo (Stovner)
Telefon: 22 79 06 20
Web: www.vo-smedstua.oslo.no
Karlsrud voksenopplæringssenter
Iskuulkaana sidoo kale habeen iyo maalinba waa la dhigtaa.La xiriir iskuulka,
xilliga arji qabashada ugu danbaysa waa 1. april.
Adresse:
Karlsrud voksenopplæringssenter
Avdeling for språklige minoriteter
Olaf Helsetsvei 5, 0694 Oslo (Skullerud)
Telefon: 22 76 96 00
Web: www.vo-karlsrud.oslo.no
Waxaa kaloo xusid mudan in dadka waa weyn ee dhiganaya grunnskole ay dalban karaan deyn iyo deeq
(Lån og stipend). Deynta iyo deeqdu waxa ay kala yihiin iyo diinta waxay ka tiri mowduuc gaara ayaan uga hadli doonaa insha Allah.
Sidoo kale meesha talo iyo tusaale ee kor ku qoran waxaad ka heli kartaa akhbaar faa'iido leh ee ku saabsan labadaas.
Hadaad doonayso Dugsi sare (Videregående skole)
Sidoo kale dadka waaweyn waxay dalban karaan dugsi sare, si ay u helaan
shahaado ay ku galaan jaamcad ama høyskole.
Akhbaar faahfaahsan waxaad ka heli kartaa boggaan
www.vo-oslovo.oslo.no
Shahaadadaas waxaa loo yaqaan studiekompetanse.
Dadka waa weyn waxay ku heli karaan studiekompetanse 6-da maado ee hoos ku qoran:
Norsk 14 timer
Engelsk 5 timer
Matematikk 5 timer
Naturfag 5 timer
Nyere historie 4 timer
Samfunnslære 2 timer
6-daan maado waa kuwa loo yaqaan allmenne, økonomisk og administrative fag. Si aad shahaado u hesho
waa inaad heshaa buundo ah 2 ama ka fiican. Laakin ogow in jaamacad/høyskole walba
ay leeyihiin shuruudo u gaara xagga buundooyinka.
Iskuulada baxsha maadooyinka dugisga sare waxaay iskugu jiraan kuwo lacag ah iyo
kuwo lacag la,aan ah. Kuwa lacagta ah waa
Folkeuniversitet ama NKI fjernundervisning. Kuwa
lacag la,aanta ahna waxaa ka mida:
Sinsen voksenopplæring
Adresse:
Lørenveien 11
0585 Oslo
Skolens elevkontor er åpent daglig mellom
kl. 10 - 12 og kl. 16 - 18 (ikke fredag)
for personlig frammøte. Tel 23 46 67 00
Postadresse:
Oslo Voksenopplæring
Postboks 484, Økern
0512 Oslo
Epost: postmottak.oslovo@vgs.skoleetaten.oslo.no
Web: www.vo-oslovo.oslo.no
Stabekk voksenopplæring
Adresse:
Postboks 100, 1321 Stabekk
Web: www.stabekk.vgs.no
Ogow sidoo kale inaad dugsi saraha dadka waa weyn ku dalban karto deyn iyo deeq (Lån og stipend).
Deynta iyo deeqda waxa ay yihiin diin ahaan iyo talo ahaan waxaa ka akhrin kartaa
meesha sare ay ku qoran tahay talo iyo tusaale.
Hadaad doonayso in cilmi aad cadeyn u haysan laguu qiimeeyo (Realkompetansevurdering)
Realkompetansevurdering waa waxa qof weyn uu kusoo bartay iskuul, shaqo, gurigiisa,
xiligiisa firaaqada ama meel kale oo cilmi ah.
Waliba arintaan waxay aad faa'iido ugu leedahay shakhsiga kusoo dhigtay Somalia
jaamacad, machad, dugsi sare ama dugsi hoose/dhexe, shakhsigaas oo hadana
xasuusta waxa uu soo bartay.
Hadii aad tahay shakhsi aqoontaas leh, waxaad codsan kartaa
in laguu qiimeeyo aqoontaada, kadibna shahaado lagu siiyo. Shahaadadaas waxay cadaynaysaa
inaad aqoontaas leedahay.
Taasna waxay kuu sahli kartaa inaad gasho dugsi sare (videregående skole), hadii aqoontaadu
heer dugsi sare tahay.
Hadaad 25 sano ka weyn tahay aqoontaaduna tahay mid ka saraysa ama u dhigmata dugsi sare,
waxaad ku codsan kartaa ictiraafka lagu siiyo
jaamacad ama høyskole baxsha aqoontaas, adigoo dugsi hoose iyo mid sareba dalkaan ka dhigan.
Laakin arintu sidaa uma sahlana ee waa inaad tahay shakhsi aqoontaas aad u yaqaan. Waayo
imtixaan hadal iyo ficil (teori & praksis) ah ayaa lagaa qaadayaa. Midaas waxay u baahan
tahay inaad tahay shaksi isku kalsoon inuu cilmigaas leeyahay. Ee ma tahay shakhsi noocaas ah?
Haa shakhsi aqoon leh walina xasuusta ayaan ahay, ee sidee ictiraaf ku helaa?
Marka hore inta aadan aqoonsiga codsan waa inaad si hagaagsan u qortaa
waxa aad aqoonta u leedahay. Dhowr qaab ayuu qofku u cadayn karaa
aqoontiisa. Qaabka ugu sahlan waa inaad CV qorto.
CV-ga qaabka loo qoro waxaan uga hadalnay qeybta shaqo codsiga waxaaana ka gali kartaa
halkaan.
Ujeedada loo sameeyay realkompetansevurdering waa inuusan qofku mar labaad ku noqon
wax uu horay usoo bartay. Adiga ayaa dooranaya waxa aad dooneyso in laguu qiimeeyo.
Sida caadiga ah waxaa la qiimeeyaa maadooyinka ah xisaabta, sayniska, fiisikiska,af-ingiriiska,
af-norwiijiga iwm. Waxaana laguugu qiimeyn karaa heer la siman dugsiga sare ama midka hoose/dhexe
Waxaana howshaas qaabilsan Oslo voksenopplæring
cinwaankoodu hoos ayuu ku qoran yahay. Hadii aad dugsi sare horay soo dhigatay, waa lacag
in laguu qiimeeyo aqoontaadi hore. Hadii aadan dugsi sare soo dhigan waa lacag, la'aan.
Laakin waa la badali karaa, ee akhbaar faahfaahsan iyo qiimaha saxda ah kala xiriir cinwaanka hoose.
Adresse:
Lørenveien 11
0585 Oslo
Postadresse:
Oslo Voksenopplæring
Postboks 484, Økern
0512 Oslo
Telefon: 23 46 67 00 (kl 1200 - 1500)
Epost: postmottak.oslovo@vgs.skoleetaten.oslo.no
Web: www.vo-oslovo.oslo.no
Hadaad doonayso Universitet ama høyskole
Waxaa jira book kasoo baxa aetat (xafiisyada shaqada) oo la yiraahdo "Mer utdanning?".
Buugan wuxuu ku siin akhbaar faahfaahsan oo ku saabsan waxbarashada Norway sida,
dugsi sare, høyskole-da ama jaamacadaha dalka oo dhan ku yaal. Buugan waxaad ka heli kartaa bogga aetat
ee Internett-ka halkaan.
Hadaad doonayso in laguugu soo diro gurigaaga la xiriir aetat. Waxaadna heli kartaa
isagoo english ku qoran "More Education?"
Sidoo kale bogga NOKUT waxaad ka heli kartaa
nidaamka waxbarashada sare ee Norway iyo linkiyo kuu gudbinaya jaamacadha iyo høyskola-da dalkaan.
Shuruudo:
Intaadan waxbarashada sare codsan waa inaad hubsataa shuruudaha lagu galo jaamacad ama høyskole
inaad buuxinayso. Shuruudahaas waa kuwaan kor kusoo faahfaahinay, iyagoo koobana waa sidan:
Shahaado dugsi sare dalkaan ah.(Kor ayaan kusoo xusnay)
Shahaado dibada ka timid oo la ictiraafay.(Kor ayaan kusoo xusnay)
Shuruud khaas u ah meelaha qaarkood, tusaale ahaan hadaad dooneyso caafimad waa inaad
heysataa xisaab, kimistari iyo fiisigis badan iyo buundooyin sareeya. Laakin la xiriir jaamacada ama høyskole-ha
aad dooneyso akhbaar faahfaahsan ayaad ka helaysaa.
Realkompetanse (Kor ayaan kusoo xusnay).
Imtixaan luuqadeed norsk iyo engelsk hadii waxbarashadaadu dibada tahay
Jaamcadaha iyo høyskole-da
Sanad dugsiyeedkii 2003 ayaa lasoo rogay darajooyin cusub oo ku saabsan waxbarashada sare.
Darajada loo yaqaan Bachelor waa 3-sano, waxeeyna bedeshay darajadii loo aqoon jiray
cand.mag.-grad. Kadib qofku wuxuu dalban karaa Master-grad waana 2-sano. Markaa
kadib ayuu qofku sii dalban karaa PhD-studier, taasoo qaadan karta 3-sano.
Faahfaahin dheeraada waxaad kasii akhrin kartaa
wasaarada waxbarashada
Waxbarashada jaamadacadaha waxay ka helaysaa waxa loo yaqaan akademisk grad. Mida høyskole-duna
waxaad ka helaysaa waxa loo yaqaan "Profesjonsutdanning" oo ah xirfad aqooneed.
Waxbarashada 1-sano ah ee xilliga buuxa la dhigto (heltid) waxaa lagugu siinayaa 60 poeng
loo yaqaan "Studiepoeng". Studiepoeng høyskolada iyo jaamacadaha waa la isku dhafi karaa.
Qaabka buundooyinku waa (A, B, C, D, E iyo F), A ayaa ugu saraysa, E waa baasida ugu
danbaysa.F waa lagu dhacaa. Høyskolo badankood waa kuwo dowladeed, waana bilaash. Qofku
wuxuu iska bixin kaliya lacagta loo yaqaan "samesteravgift" waana in ka yar 1500 kroner
sanadkoo dhan. Waxaa kaloo jira høyskolo privat ah, kuwaas waa lacag, waana qaali, laakin
darajo iyo heer ahaan waxay la siman yihiin kuwa dowladda. Kuwaan privat-ka ah waxaa ka mida
qaar baxhsa waxbarasho gaaban oo aan la isku siin darajo sare. Faahfaahin dheeraada
kala xiriir iskuuladaas waxaa ka mida IKT, IT-akademie iyo kuwo kale.
Codsi jaamacad/høyskole
Jaamacadaha iyo høyskolada waxaa la codsadaa sanadkii mar. Xiligga ugu danbeeya ee la codsado
waa 1. mars sanad walba, hadaad dibada wax kusoo baratay, ama 15. april hadii aad wax ku baratay
Norway. Arjiyada dalkoo dhan waxaa loo diraa Samordna opptak, iyaga ayaana faahfaahin
dheeraada ka heli kartaa, cinwankooda kor ayaan kusoo xusnay.
Wixii faahfaahin intaa ka baxsan ah, la xiriir jaamacada ama høyskol-ka aad dooneyso.
hoos waxaa ku qoran cinwaano jaamacado iyo høyskole badan.
Hadaad dooneyso dad Soomaliyeed waxbartay ama waxbarta inaad wareysato waxaad la xiriiri kartaa
ururka ardeyda Soomaliyeed (Somalisk Studentforening),
oo aad mindhaa ka heli karto qof barta waxa aad dooneyso inaad barato, akhbaar fiicana ku siin kara.
email ayaad u diri kartaa, taasoo xubnaha ururkoo dhami akhrisan karaan,
kadibna waxaa dhici karta qof ka mida inuu kaaga soo jawaabo.
emailkooda waa Ssaf-mail@studorg.uio.no.
Ururku sanad walba shir ayuu qabtaa inta arjiyada jaamacadaha ama høyskolada loo dirin.
Shirkaas waxaa looga hadlaa waxbarashada dalkaan.
Markaad jaamacad ama høyskole bilowdana xubin ayaad ka noqon kartaa ururka ardayda Soomaliyeed ee Norway.
Linkiyo
Universitetet i Oslo
Universitetet i Bergen
Universitetet i Tromsø
Universitetet i Trondheim
Norges Landbrukshøyskole
Arkitekthøgskolen i Oslo
Høgskolen i Oslo
Norges veterinærhøgskole
Høgskolen i Akershus
Høgskolen i Buskerud
Talo iyo tusaale
Baro luuqada dalkaan iyo dal kaste oo aad dooneyso inaad joogto muddo ama aad
degto. Waayo luuqadu waa furaha kuu furaya albaabo badan oo kaa xirxiran markaad
bulsho cusub lasoo daristo. Hadaad dooneyso inaad waxbarato waa muhiim inaad marka hore si fiican
u barato luuqada aad wax ku baran doonto. Hadii kale wadadu meel dhexe ayey
iska soo xiri doontaa. Luuqadaha muhiimka ah waa norsk iyo engelsk hadaad dooneyso
inaad dalkan wax ka barato.
Mukhtar Qoransay
|